Gmail waa adeeg e-mail oo bilaash ah oo ay bixiso shirkadda Google, taas oo kuu oggolaanaysa inaad si fudud ula xiriirto saaxiibbada, qoyska, iyo saaxiibadaada ganacsiga. Maqaalkana waa mid ku saabsan sidee loo sameeyaa Gmail, Gmail waxaa kale oo aad u isticmaali kartaa helista adeegyada Google sida YouTube, Google Drive, iyo Google Photos. Halkan hoose waa tilmaamo ku saabsan sida loo sameeyo akoon Gmail.
Tallaabooyin Ku Saabsan: Sidee Loo Sameeyaa Gmail
Tallaabada 1: Tag Bogga Gmail
- Ka fur biraawsarkaaga bogga rasmiga ah ee Gmail: www.gmail.com.
- Marka bogga furmo, guji batoonka “Create Account” oo ku yaal badhanka hoose ee shaashadda.
Tallaabada 2: Buuxi Macluumaadkaaga Shakhsiyeed
- Waxaad arki doontaa foomka is-diiwaangelinta, halkaas oo lagu weydiin doono magacaaga hore, magacaaga dambe, magaca e-mail-ka aad rabto, iyo eray sir ah (Password).
- Geli magaca e-mailka aad rabto (tusaale, ”magacaga@gmail.com”). Xusuusnow inaad doorato magaca gaar ah oo aan horay loo isticmaalin.
- Ku qor eray sir ah oo adkeysi leh, ka dibna ku celceli si aad u xaqiijiso.
Tallaabada 3: Xaqiiji Lambarkaaga Taleefanka
- Google ayaa ku weydiin doonta lambarka taleefankaaga si ay uga hubiso in aad adiga tahay qofka sameysanaya akoonka.
- Geli lambarkaaga taleefanka, ka dibna sug fariinta xaqiijinta oo ka imaanaysa Google.
- Geli lambarka xaqiijinta ee laguu soo diray si aad u dhamaystirto tallaabadan.
Tallaabada 4: Geli Macluumaadka Dheeraadka ah
- Kadib marka aad xaqiijiso lambarka taleefanka, Google waxay ku weydiin doontaa inaad buuxiso xogta kale sida:
- Taariikhda dhalashada (Birthday)
- Jinsiga (Gender)
Tallaabada 5: Aqbal Shuruudaha iyo Siyaasadaha Google
- Google waxay ku siin doontaa qoraal ku saabsan Privacy & Terms, oo ah shuruudaha iyo siyaasadaha adeegga.
- Akhri haddii aad rabto, ka dibna guji “I Agree” si aad u oggolaato.
Tallaabada 6: Bilow Isticmaalka Akoonkaaga Gmail
- Marka aad dhamayso tallaabooyinkaas, waxaad diyaar u tahay inaad isticmaasho Gmail. Waxaad hadda geli kartaa sanduuqaaga boostada si aad u dirto una hesho e-mailo, waxaadna si fudud ula xiriiri kartaa dadka kale.
Talooyin
- Isticmaal eray sir ah oo adag si akoonkaaga u ahaado mid sugan, iskuna day inaad isticmaasho lambarro, calaamado, iyo xarfo waaweyn iyo kuwa yar.
- Hubi inaad kaydiso eraygaaga sirta ah si aadan u lumin akoonkaaga.
Gunaanad
Sameynta akoon Gmail waa mid fudud oo loo baahan yahay dhowr talaabo oo kooban. Gmail wuxuu kuu oggolaanayaa inaad si fudud u dirto una hesho e-mailo, isla markaana aad adeegsan karto dhammaan adeegyada kale ee Google oo ku xiran akoonkaaga.