Wafti Qarsoodi Ah: Axmed Madoobe iyo Hassan Sheikh.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, ayaa xalay shaaca ka qaaday qorshe uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo safar qarsoodi ah dalka uga maqan yahay. Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadin ah oo ka socday dowladda Kenya.

Wuxuu sheegay in wafdigaas uu soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka codsaday Kenya inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa xusay, “Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ku qaabilay magaalada Kismaayo wafdi dhexdhexaadin ah oo ka socday Dowladda Kenya, kuwaas oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, si loo helo xal khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS.”

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayey Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey, iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer, Cabdiraxmaan Colow. Madaxtooyada Jubaland ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirrada xubnaha wafdigaas, taas oo keeni karta in xiisadda u dhexeysa Jubaland iyo dowladda federaalka ay sii adkaato, maadaama Axmed Madoobe uu shaaciyey arrin la doonayey in si hoose loo xaliyo.

Siyaasiyiin falanqeeya xaaladda Soomaaliya ayaa arrintan ku fasiray inay muujineyso in Axmed Madoobe uusan diyaar u ahayn xalinta xiisadda kala dhaxeysa dowladda federaalka, iyadoo uu qorshaynayo in doorasho dadban uu qabto inta aan la xallin khilaafkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *